Ciidanka Somaliland Ayaa Xalay Qabtay Walxa Qarxa oo Lala Beegsanaayay Goobo u Ka Mid Yahay Guriga Madaxweyne ku Xigeenka

SOMALILANDAIR NEWS)December 28, 2011:  Ciidamadda Qaranka Somaliland Waaxdooda Sahanka ayaa xalay Biriishka u dhaw Hargeysa Club ku qabtay Qalab isugu jira Miinooyin iyo Walxo qarxa kuwaas oo Nin Jilbaab xidhani dhigayay. 

Hogaanka Ciidanka Sahanka Somaliland Maxamed Cabdi Cali “Shiine Faqash” oo manta shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigayay Walxahaaasi ku qabtay Xarunta Miiska Saraakiisha Somaliland ayaa sheegay inay Walxahan qabteen xalay iyadoo uu sitay nin Jilbaab xidhan kaasoo uu soo dabagalay Askari ka tirsan Waaxda Sahanka kaasoo markii uu dhigay arkayay.

Shiine waxa uu sheegay Ninka sitay Jilbaabku inuu dhinaca Beerta Xorriyadda iyo Iskuulka Faarax Oomaar hortooda soo maray dabadeedna uu dhigay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Biriishka iyo Hotelka Hargeysa Club oo goob ku wada yaala, markii danbena uu u yimid nin kale oo uu Tilifoon kula hadlay.

Kadib markii ay ka war heleen Askariga daba socda waxa uu sheegay inay Baastoolado ay siteen cabaysteen oo ay  iska tageen, Askariga oo aan hubaysnayna oo Ciidanka soo wargeliyay iyagiina ay baxsadeen.

Shiine waxa uu sheegay in Walxahan ay ahaayeen kuwo la isku xidh xidhay oo loogu talo galay wakhti inay ku qarxaan haddii ay qarxi lahaayeena ay khasaare balaadhan soo gaadhsiin lahaayeen Biriishka, Guriga Madaxweyne ku-xigeenka iyo agagaarka Hotelka Hargeysa Club oo dhan

This entry was posted in news. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>