Waxa dhamaaday sannadkii 2010 ee milaadiga. Sannadkaasi waa mid sumad gaar ah ku yeelanaaya taarikhda Somaliland.
Reer Somaliland doorashay u dareereen 26/06/2010, taas oo ku beeegnayd konton guuradii xuriyaddooda ay ka qaateen Boqortoooyada Midowday ee Ingiriska 1960. Munaasibaddaas, waxay u muujiyeen aduunweynaha in ay yihiin ummad nabada iyo xoriyadda jecel, iyadoo ay makhraaati ka yihiin gobjoogayaal calamiya.
Waxa shacbiga Somaliland caddeeyey in uu leeyahay bisayl siyaasadeed oo loo bogay. Hoos, waxay ka xariiqeen in ay aaminsan yihiin habka dawladnimo ee ku salaysan sharci isku xukunka, taas oo ay aad ugaga duwan yihiin reer muqdisho oo iyagu ku dhaqma diktatooriyad adeegsata qori caaradi.
Doorashadii dalka ka dhacday 26/06/2010 waxay suurto gelisay in laba madaxweyne oo shacbigu doortay xilka ula kala wareegaan, si gacaltooyo ku dheehan tahay, iyagoo cuskanaya natiijadii ka soo baxday sanduuqyada codbixiyeeyaasha oo keliya. Waxan muran lahayn in taasi gogol wacan u tahay mustaqbalka iyo masiirka ummadda Somaliland.
Xisbiga UDUB, waxa uu si hufan u hirgeliyey axdigiisii ku dhaqanka dhabta ah ee dimoqaraadiyadda. Waataa durba la hayo hordhicii go’aanadii la naawilaayey ee soo celinta darajadii 3aad ee nabadgelyada ee dalkeena ka luntay 29/10/2008. Waxa ku xiga, haddii la hanan karo, furitaankii xafiiska dhexe ee hay’adaha qarammada midoobay ee New- York iyo Hargeysa, toos isugu xidhiidhiinayey, middaas oo suurto gelin doonta fulinta mashaaricda horumarineed ee dalka ka xidhnaa.
Saadaasha isbedelka jawiga siyaasadeed ee sannadkan 2011 ee soo muqda, waa mid xambaarsan go’aano muhiim ah oo soo dedejin kara aqoonsigeena qaranimo.
Waxanse leeyahay xukuumadda xilka wadanka la wareegtay, waar cadow badanbaa jamhuuriyaddeena duulimaad hubaysan la soo gaadaye, talo adag, feejigaad iyo firfircooni aan weli idinka muuqan la kaalaya, siiba xuduudadeena bari ee inoo dhexeeya inaga iyo somaliyadii aynu kala guurnay.
Waxaan maqaaladaydan ku soo gabagabaynaya tix yar oo maanso ah, oo aan ku xod-xodonaayo sannad cusub ee 2011.
Sannadkani bilaabmow
Saadaal wanaagsane
Salaanta adayska leh
Sareediyo barwaaqada
Sadkuu saatir kugu yidhi
Somaliland gee
Saab dahab ah
Soo geli
Summaddii xoriyaddo
Sacab loo tumaayo
Saxeex caalamiya qaba
Sugnaan nabad ku dayro
Safka hore ka soo tebi
Sunta cadawga weeye
Hambalyo fiican.
Xoghayaha guud ee xisbiga Udub
Md. Jaamac Yaasiin Faarax
Lyon, France.
