Shirkada SOMCABLE oo soo Bandhigtay Qaabka ay Somaliland usoo Gaadhsiinayso Isgaadhsiinta Badda Hoos Marta

Shirkadda SOMCABLE ee oggolaanshaha keenista isgaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda la mariyo ka heshay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddii hore ee Rayaale, ayaa maanta soo bandhigtay qaabka ay dalka uga hireglin doonto isgaadhsiinta Cable-ka badda iyo goobaha la soo marin doono.


Munaasibad loo sameeyey bandhigga qaabka shirkadda SOMCABLE u hireglinayso fullinta qandaraaska Cable-ka badda hoosteeda oo ah mashruuc isgaadhsiineed oo loogu talogalay inuu sku xidho dalalka ku yaal Afrikada bari, Koonfur Afrika, Asia iyo Europe oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay shirguddoonka Golaha Guurtida, xildhibaanno ka tirsan baarlamanka, wasiirro, ganacsato, madaxda shirkadaha isgaadhsiinta, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.


Maamulka shirkadda SOMCABLE oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhawaan dalka keeni doonaan xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda ee loo yaqaan “Fiber-optic,” kaas oo ay xuseen in ay keenayaan xarunta ay isugu yimaaddaan xadhkaha cable-da dalka Jabuuti ee aynu deriska nahay.

 

Mr. Yuusuf Xuseen Cabdalla oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee shirkadda SOMCABLE, ayaa muddo saacad ku dhow sharraxaad ka bixiyey nidaamka shirkadoodu u shaqayn doonto, isaga oo tibaaxay in SOMCABLE ka iibin doonto shirkadaha isgaadhsiinta dalka, balse aanay iyaga hawshoodu ahayn keenista isgaadhsiin toos ah.


Waxa kaloo Mr. Cabdalle uu sheegay in shirkadda SOMCABLE ku kharash-garaynayn doonto mashruuca xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda lacag dhan 40 milyan oo doolarka Maraykanka ah, isla-markaana ka faa’iidaysan doonaan in badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee aan hadda hayn shaqooyin rasmi ah.

Ugu dambayn, Mr Yuusuf Xuseen Cabdalla waxa uu sheegay in shirkaddu furayso saamiyo ay bulshada reer Somaliland ee hantilayaasha ahi kaga qayb-qaadanayaan maalgashiga mashruucan caalamiga ah.


Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa ugu hambalyeeyay shirkadda SOMCABLE keenista isgaadhsiinta badda hoosteeda marta, kuna tilmaamay mid ku dedaalaysa horumarka dalka, waxaannu ka dhawaajiyay in isgaadhsiinta Somaliland tahay mid xor ah oo aan dawladdu wax farogalin ah ku samayn.

 

Sidoo kale, waxa uu wasiirku sheegay in Cable-ka khadka Internetka ee dhawaan la keenayo magaalada Berbera uu kaalin weyn ja qaadan doono horumarka dalka iyo dadka Somaliland-ba, kaas oo uu tibaaxay inuu yahay mid Somaliland kaga duwanaan doonto dalal badan oo Afrika ku yaal.

 

Waxa kale oo isna munaasibadda ka hadlay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland, isagoo tallaabo lagu farxo ku tilmaamay isgaadhsiinta casriga ah ee Somaliland heshay, taas oo uu xusay in ay wax weyn ka tari doonto horumarka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha.

 

This entry was posted in news. Bookmark the permalink.

3 Responses to Shirkada SOMCABLE oo soo Bandhigtay Qaabka ay Somaliland usoo Gaadhsiinayso Isgaadhsiinta Badda Hoos Marta

  1. Pingback: LESLIE

  2. Pingback: DARRELL

  3. Pingback: ZACHARY

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>