SOMALILANDAIR NEWS;;Waxaa xalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool lagu dilay Taliyihii ciidamada Asluubta ee gobalka Sool ee Soomaaliland.
Cabdi Ciise Nuur Taliyaha ciidamada Asluubta ee gobalka Sool ayay kooxo hubeysan ay xalay ku toogteen gurigiisa hortiisa, waxaan wareerkaasi ku dhaawacmay darawelkiisa iyo askari illaalo u ahaa.
Weerarkan ayaan la aqoon cida ka danbeysay balse ciidamada Soomaaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood uu sheegay inay ku raad joogaan kooxihii falkan ka danbeeyey.
Guddoomiyaha gobalka Sool ee Cabdulahi Jaamac Dirir ayaa sheegay in ay dad u qabqabteen weerarkan isla markaana ay baaritaano wadaan, wallow uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo dadka ay ciidamadooda qabteen.
Taliyaha la dilay ayaa la sheegay in xalay afurkii kadib xili uu doonayey inuu ka baxo gurigiisa, ay tacshiirad ku fureen kooxo hubeysan oo bartilmaamsaday gaarigii uu saarna Taliyahaasi la dilay.
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa hada saaran Bandow iyadoo uu Gudoomiyaha Gobolku ka codsaday Soomaaliland in ciidamo dheeraad ah loo soo diro magaalada si amniga loo sugo
