War saxaafadeed: “Waxan rajaynayaa inay Ethiopia si fiican ula shaqayso dawladda Cusub ee Somaliland” Madaxweynihii Hore Md.Daahir Rayale kahin.

Adisababa( somalilandair) August 30, 2010 – Madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Dahir Rayale Kahin, ayaa xukumada dalka Ethiopia u soo jeediyey inay xukumada cusub ee Somaliland wada shaqayn wanaagsan la yeelato, isla markaana la ilaaliyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal iyo labada shacbi.

 

sidan waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu soo saaray Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax. War-murtiyeedkani waxa u qornaa sidan:-

“Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Dahir Rayale Kahin ayaa manta magaalda Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Dawladda Ethiopia Mudane Meles Zenawi iyo madaxweynaha Ethiopia mudane Girma Woldegiorgis. Madaxweynihii hore oo si weyn loogu soo dhoweeyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa waxa Meles si weyn ugu mahad celieyey sidii wanaagsanayd ay u wada shaqyeeen waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u wada abuureen xidhiidh sokeeye oo dhex mara labada dal. Waxa labada dal u suurta gashay inay sameeyaan xidhiidh nabad gelyo, mid ganacsi iyo mid siyaasadeedba kaas oo gaadhay inay Ethiopia Qunsuliyad ka furato dalka Somaliland, isticmaashona Dekeda Berbera iyadoo gacan weyn ka geysatay sidii loo samayn lahaa Berbera Corridor oo ah wado isku xidha Ethiopia iyo Somaliland oo dhowaan la hir gelin doono.

Waxay kale oo ay mahad uga celiyeen madaxweynhii Hore hir gelinta Demoqraadiyada Somaliland iyo sidii qiimaha lahayd ee uu xilka ugu wareejiyey dawladda cusub, taas oo ahayd mid dalka ka badbaadisay xasilooni daro baahda.  Waxay ku tilmaameen doorashadii Somaliland mid ku dayasho mudan, oo Afrika ay Somaliland ku soo kordhisay.

Madaxweynihii hore waxu uga mahad celieyey xidhiidhkii iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo ah saaxiibtinimo dhow oo sokeeye ah, waxuna u rajeeyey inay xidhiidhkaa halkiisa kala sii wadaan dawladda cusub, Ethiopiana noqoto wado Somaliland u marto xidhiidhka caalamka. Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi waxu u ballan qaaday inay xidhiidhka halkiisii ka sii wadayaan, wada shaqayna la yeelanayaan Dawladda Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) Waxa kulnkaa kula wehelieyey saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga,

1.      Abdillahi Mohamed Ducaale (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada)

2.      Axmed Mohamed Ciise ( Xoghayihii hore ee madaxweynaha)

Warsaxaafadeed

Cumar Jaamac Faarax

Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Ee Xisbiga UDUB

This entry was posted in news. Bookmark the permalink.

3 Responses to War saxaafadeed: “Waxan rajaynayaa inay Ethiopia si fiican ula shaqayso dawladda Cusub ee Somaliland” Madaxweynihii Hore Md.Daahir Rayale kahin.

  1. Pingback: DWIGHT

  2. Pingback: MARIO

  3. Pingback: JUSTIN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>